Qaarigii Afrikaanka ahaa ee sanadihii dambe ugu Qur’aan akhrinta macaanaa

Nuureyn Maxamed Siddiiq

Baraha bulshada waxay horseedeen inay soo nooleeyaan habka Qur’aan akhrinta ee dadka Afrikaanka ah, kaas oo kamid ahaan jiray dhaqamada iyo caadooyinka dadka ku nool Bariga Dhexe, sida uu ku warramayo weriye Ismaaciil Khushkush oo ka sheekeynaya mid ka mid ah culimada sida weyn loo jecelyahay marka ay akhrinayaan Qur’aanka.

Sheekh Nuureyn Maxamed Siddiiq wuxuu lahaa cod aad u macaan marka uu akhrinayo Qur’aanka, wuxuuna ahaa qaari si weyn looga yaqaannay dunida muslimka.

Nuureyn Maxamed Siddiiq wuxuu bishii Nofembar ee sanadkii lasoo dhaafay ku dhintay shil gaari da’diisu ay ahayd 38 sano, geeridiisana si weyn ayaa looga naxay, waxaana ka tacsiyeeyay dadweyne badan laga soo billaabo Pakistan ilaa Mareykanka.

“Waxaan weynay mid kamid ah dadkii ugu codka macaanaa wakhtigeena” waxaa sidaas barta Twitter-ka kusoo qoray Imaam Cumar Suleymaan oo ku nool gobolka Texas ee Mareykanka.

Hindi Makki oo ah khabiir heysta dhalashada Mareykanka iyo Suudaan ayaa sheegay inay adagtahay in uu sharraxaad ka bixiyo tayada Sheekha.

Sida laga soo xigtay Sylviane Diouf oo ah taariikhyahan ayaa sheegayaa in qaab akhrinta Qur’aanka, cibaadada iyo xadrooyinka dadka Afrikaanka ah ee ku nool galbeedka Afrika ay isaga eg yihiin dadka ku nool dalalka saxaraha ka hooseya, Suudaan iyo Soomaaliya, waxayna arrintani ka qeyb qaadatay in la sameeyo luuq gaar ah.

Sida sunnada ah, Qur’aanka Kariimka waa in lagu akhriyaa cod macaan sida uu Nebi Muxamed inoo sheegay “Qur’aanka ku akhriya cod macaan”.

Goobo kala duwan iyo qaabab kala duwan

Qur’aan akhrinta waxaa lagu diirsadaa mar kasta, gaar ahaan marka laga akhrinayo goobaha lagu qabanayo muxaadarada iyo salaadda taraawiixda ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Xitaa waxaa jiraa tartamo caalami ah oo lagu soo bandhigo akhrinta Qur’aanka.

Waxaana jira qiraa’ooyin kala duwan oo lagu akhriyo Qur’aanka.

Waxaa lagu kala duwan yahay qaab akhrinta iyo codka marka la eego dhaqanka, deegaanka iyo taariikhda guud ahaan dunida muslimka.

Qaabka uu Nuureyn u akhrin jiray Qur’aanka iyo geeridii ku timid waxay sababeen in lagu baraarugo qaabka waagi hore ay Qur’aanka u akhrin jireen dadka Afrikaanka ah.

Wuxuu Qur’aanka kusoo bartay malcamad ku taallay tuuladii uu kusoo barbaaray ee Al Faraab ee dhacda galbeedka magaalada caasimadda ah ee Khartuum, bartamihii sagaashamaadkii.

Markii dambe wuxuu u wareegay magaalada Khartuum. Wuxuu dadka saaladda ku tujin jiray masaajiddo dhowr ah oo ku yaalla caasimadda. Dadka inta badan waxay jeclaayeen qaabka uu Qur’aanka u akhriyo.

Sheekha ayaa sii caan baxay kaddib markii muuqalladiisa lagu baahiyay baraha bulshada, gaar ahaan YouTube.

Codka Sheekh Nuureyn wuxuu u eg yahay luuqda muslimiinta ku nool gobollada saxaraha ka hooseeyo iyo Geeska Afrika.

“Waa luuqda deegaankii aan kusoo koray, wuxuu u eg yahay luuqda dadka reer Suudaan,” waxaa sidaas yiri Al Zain Maxamed Axmed, oo isagana kamid ah culimada caanka ku ah akhrinta Qur’aanka.

Imaam Cumar Jabbie oo ku sugan deegaanka Olympia ee magaalada Washington ee dalka Mareykanka, wuxuu ka soo baxay jaamacadda Madiina ee Sucuudiga, wuxuu ku dhashay dalka Sierra Leone. Waxaa markii ugu horreysay Qur’aanka soo baray culimo ku sugan dalalka Senegal iyo Gambia.

“Waa halka aan kusoo bartay qiraa’ooyin kala duwan” ayuu yiri Imaam Cumar.

Sanadihii u dambeeyay, qiraa’ooyinka culimada Bariga Dhexe ayaa ku baahay dhul badan oo ay kamid tahay Afrika, gaar ahaan dadka ku nool magaalooyinka.

Dadka waxay Qur’aanka heli karaan isaga oo duuban oo lagu baahiyo raadiyeyaasha, waxaana dunida ku baahiyaa ha’yado ku kala sugan Masar iyo Sacuudi Carabiya.

Ardeyda wax kasoo bartay jaamacadda Al Azhar ee Masar iyo jaamacadda Madiina ee Sucuudiga iyo saameynta ha’yadaha ay maalgeliyaan khaliijka ay ku yeesheen arrintaas waxay horseedeen in la baahiyo qaabka Qur’aanka looga akhriyo Bariga Dhexe.

Balse internetka iyo baraha bulshada waxay horseedeen soo nooleynta habkii akhrintii hore ee Qur’aanka iyo in da’yarta ay daneeyaan hab akhrintii hore ee Qur’aanka.

Qur’aanka waxaa lagu akhriyaa ilaa toddobo qiro oo kala duwan.

Qiraa’ada ugu caansan waa Xafsa oo inta badan ka dhaqan gashay dulkii ay maamuli jireen Cusmaaniyiinta, waxaana markii dambe lagu baahiyay musxafka uu ku qoran yahay qiraa’ada xafsa guud ahaan dunida muslimka, kaas oo lagu soo daabacay magaalooyinka Al Qaahira iyo Maka.

Qeybo kamid ah dunida muslimka, gaar ahaan dhulka miyiga ah ee ku yaalla Afrika waxaa Qur’aanka lagu akhriyaa qiraa’ada Al-Duri oo caan ka ah Suudaan taas oo inta badan uu Qur’aanka ku akhrin jiray Nuureyn Siddiiq.

BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here