Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay xaaladda Muqdisho

united nations flag

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsantahay isku dhacyadii shalay iyo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay, ayaa loogu baaqqay dhammaan dhinacyada oo dhan, in ay muujiyaan is xakamayn, si looga baaqsado in isku dhacyadu sii socdaan.

Baaqan ayaa imaanaya xilli ay xaaladda magaalada Muqdisho saaka deggantahay kaddib dagaallo culus oo shalay iyo xalay ka dhacay magaaladaasi.

Qaar ka mid ah waxgaradka magaalada ayaa wada dedaallo ay ku doonayaan in lagu soo afjaro collaadda.

Wasiirka Amniga gudaha ee dowladda federaalka ee Soomaaliya, oo xalay hadlay ayaa sheegay in ciidammada ammaanka ay ka hortageen waxa uu ugu yeeray maleeshiyaad ay soo abaabuleen dadkooda iyo dalkooda u naxayn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here