Qaramada Midoobay oo war cusub kasoo saartay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab

james swan

Ergeyga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo u warramay  Wargeyska Daily Xayaat ee ka soo baxa dalka Turkiga ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

James Swan ayaa sheegay in weli ay jirto khatarta Al-Shabaab, loona baahan yahay in loo midoobo, si looga adkaado.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mustaqbalka dhow rajado ay tahay in la wiiqo awooda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.

Wakiilka Qaramada Midoobay oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in kooxdan ay weli halis amni ku heyso Soomaaliya oo haaran isku diyaarineyso doorashada 2020/21.

“Al-Shabaab waxaa halis amni oo weli kajirta Soomaaliya, waxaa muhiim ah in si wadajir ah looga wada hortaggo maadaama ay yihiin kuwo jira oo xiriir la leh al-qaacida, waxaana rajeynayaa inay noqdaan kuwo aan sii jiri karin oo taageero ka waaya Soomaalida,” Amb. James Swan.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan dowladdooda, islamarkaana ay ku garab siiyaan dagaalka Shabaab iyo amniga dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli kooxda Al-Shabaab weeraro culus ay ka fuliso gudaha dalka, gaar ahaan Muqdisho oo dhowaan marti-gelineyso doorashooyin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here