Qarax dhimasho badan leh oo ka dhacay Muqdisho

qarax muqdisho 2272019

Qarax xooggan oo dhimasho leh ayaa goordhow ka dhacay degmada Kaxda ee Muqdisho, waxyar un kadib markii halkaasi lagu dilay guddoomiye waaxeed iyo qof la socday.

Guddoomiye waaxeedka la dilay oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Colow Cali ayaa waxa dilka loogu geystay waaxdii uu maamulayey ee Siinka-dheer ee degmada Kaxda, isaga iyo qof la socday.

Daqiiqado kadib ayaa waxaa isla goobtaas ka dhacay qarax baabuur oo xooggan oo ay ku dhinteen dad shacab ah, sida ay goobjoogeyaal u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Sida aan xogta ku helnay, qaraxan ayaa ka dhashay baabuur ay goobta uu dilka ka dhacay uga tageen dableydii dishay guddoomiye Waaxeedka.

Qaraxa ayaa lagu warramayaa inuu dhacay kadib markii ay gaareen mas’uuliyiinta degmada Kaxda oo gurmad u ahaa agaasime waaxeedka la dilay.

Mas’uuliyiinta la qarxiyey waxaa ka mida Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Yuusuf iyo taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugidda degmada, waxaana wararkii ugu horeeyay ay sheeyaan inuu qaraxu geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen qaraxa, ayada oo tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay ayaa u badan askar ilaalo aheyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here