Qarax dhimasho geystay oo maanta ka dhacay degmada Dayniile ee G Banaadir

qarax muqdisho 2272019

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada meelaha fog fog laga hago ayaa ka dhacay agagaarka xarunta degmadaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi lala beegsaday gaari uu la socday xoghayaha maamulka degmada Dayniile, Mahad Sharaawe, kaas oo badbaaday qaraxa.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 4 qof oo shacab ahaa, iyada oo uu ku dhaawacmay hal askari oo ilaalo u ahaa xoghayaha degmada Dayniile.

Sidoo kale qarax labaad oo lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa ka dhacay agagaarka wasaaradda Gaashaandhigga, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.

Maalmihii dambe ayaa waxaa Muqdisho kusoo badanayey weerarada qaraxyada ah oo uu khasaaraha ugu badan kasoo gaaro dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here