Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

qarax muqdisho 2272019

Qarax is-miidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay agagaarka isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo xaqiijiyeen.

Wararka ayaa sheegaya in qof isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyey maqaayad ku taalla inta u dhaxeysa xarunta taliska guud ee booliska gobolka Banaadir iyo sarta Jubba.

Wararka ayaa intaas ku daraya inuu jiro khasaare nafeed, balse tirada rasmiga ah ayaan weli la hayn.

Xogo laga soo xiganayey hay’adaha amniga ayaa sheegeya in Muqdisho ay soo galeen tiro dad ah oo damacsan inay magaalada ka fuliyaan qaraxyo is-miidaamin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here