Qarax Ismiidaamin ah oo lagu weeraray Shaqaalaha Turkiga ee Dhismaha Wadada Afgooye

qarax ceel biya afgooye

Faah faahin ayaa ka soo baxaya Qarax ismiidaamin ahaa oo goor dhow ka dhacay Koontaroolka Baar Ismaaciil ee duleedka degmada Afgooye.

Qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay qof naftii halige ah ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen Ciidamo Boolis ah iyo gaari kale oo ay saarnaayeen Shaqaale Turki ah.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga qaraxa fuliyay uu ahaa NOHA, kaasoo lagu dhiftay gaari Cabdi bile ah iyo gaadiid kale.

Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa la sheegayaa inuu khasaare ka soo gaaray, si dhab ah looma oga khasaaraha soo gaaray shaqaalaha Turkiga.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in gaari caasi ah oo ka soo tegey saaka magaalada Jowhar ay ku dhaawacmeen dhammaan dadkii saarnaa marka laga reebo labo ruux oo aan dhaawac soo gaarin.

Dadka rakaabka ahaa ee dhaawacmay ayaa isugu jira rag iyo dumar iyo weli carruur sida ay jowhar.com uu u xaqiijiyay mid kamid ah dadkii ka badbaaday dhaawaca.

Gaadiika ka soo baxa magaalada Jowhar ama ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay marayeen magaalada Afgooye kadib markii ay u xirantay wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho fatahaada wabiga shabelle.

Khasaare kala duwan ayaa la soo sheegayaa inuu qaraxa sababay, waxaana sawiro goobta laga soo qaaday ay muujinayaan khasaaraha iyo baaxada qaraxa iyo waxyeeladiisa.

Waa weerarkii labaad oo lagu bartilmaameedsado Shaqaalaha Turkiga ee dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo 28-kii bishii December ee sanadkii hore qarax ka dhacay Ex Koontarool Afgooye lagu dilay labo shaqaale Turkish ah iyo 50-meeyo kale oo shacab Soomaaliyeed ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here