Qarax ka dhacay agagaarka xerada Xalane ee Muqdisho

qarax muqdisho 2272019

War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in qarax uu ka dhacay meel u dhow albaab laga galo xerada Xalane ee shisheeyaha ay degan yihiin ee magaalada Muqdisho.

Sida aan xogta ku helnay, qaraxa ayaa ka dhacay degmada Wadajir, gaar ahaan inta u dhaxeeysa bar kontorool oo laga galo Xalane iyo xerada Jeneraal Gordon.

Sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogeyaal, waxaa qaraxa lala beegsaday maqaayad ku dhow meel lagu qaado canshuurta dowlada hoose, balse weli ma cadda nooca uu ahaa qaraxa, inkasta oo warar horudhac ah ay sheegayaan inuu ahaa is-miidaamin. 

Goobjoogeyaasha ayaa sidoo kale sheegay inuu jiro khasaare ka dhashay qareaxa, balse weli ma cadda tirada rasmiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here