Qarax ka dhacay goob lagu soo dhoweynayey RW Rooble

war deg deg

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee qeybta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay irida hore ee garoonka Cabdullaahi Ciise, xili lagu soo dhaweynayay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Rooble oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa deegaanada Galmudug. 

Qarax oo ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn nooca uu ahaa ayaa haddana waxa soo baxaya warar sheegaya inuu ahaa mid uu isku soo xiray naftii halige, waxaana ka dhashay khasaaro xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Garoonka uu afaafkiisa hore qaraxu ka dhacay, ayaa waxa lagu waday in lagu soo dhaweeyo Ra’iisal wasaare Rooble oo saacadihii u dambeeyay ee maanta gaaray magaalada Gaalkacyo. Rooble kuma sugneyn goobta markii uu qarax dhacay.

Waxa kacsan xaalka magaalada, waxaana la maqlayaa dhawaaqa rasaas xoogan oo ka dhaceysa goobta qaraxa uu ka dhacay oo ay ku sugnaayeen dadweyne ka qeyb qaadanayey soo dhaweynta Rooble.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here