Qarax lagu dilay wasiir iyo dad shacab ah oo ka dhacay Baydhabo

Baydhabo

Wasiirkii Cadaaladda Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Ibraahim Lugbuur iyo dad kale oo shacab ah ayaa lagu dila qarax ismiidaamin ahaa oo goordhow ka dhacay magaalada Baydhaba. 

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in wasiirka lala eegtay qaraxa xilli uu kasoo baxay masjid uu kusoo dukaday salaaddii Jimcaha.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu beegsaday wasiirka iyo dad kale, waxaana qaraxa ku dhintay wasiirkii, qaar ka mid ah ilaaladiisa iyo dad shacab ah.

Waxaa sidoo kale jira dad kale oo qaraxa ku dhaawacmay, inkasta oo weli aan la hayn tirada rasmiga ah. Maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli wax war ah kasoo saarin qaraxa.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Booliska Koonfur Galbeed ayaa xiray waddooyinka soo gala aaga uu qaraxa ka dhacay, waxaana socda gurmad loo sameeynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here