Qarax xoog leh oo ka dhacay xeebta Liido ee Muqdisho

war deg deg

Qarax xoog leh ayaa goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimaddd Soomaaliya.

Qaraxa oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan Muqdisho ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhacay Xeebto Liido ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo qiiciisa iyo uuradiisa laga arkay meelo ka fogfog Xeebto Liido ayaa kadib waxaa bilaabatay rasaas culus oo aan la ogeyn cidda rideyso.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in Qaraxa uu ka dhacay Iridda hore ee hoteelka Elite oo ku yaalla xeebta, iyadoo ay suurtagal tahay in kooxo hubeysan ay weerarka qeyb ka yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here