Qarax xooggan oo ka dhacay suuqa Qaadka ee magaalada Bardaale

qarax

Ugu yaraan toddoba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay magaalada Bardaale ee gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay suuqa khaatka lagu iibiyo oo ku yaalla magaalada, xilli ay dad badan ku sugnaayeen, sida laga soo xigtay goobjoogeyaal.

Illaa iyo hadda ma cadda waxa sababay qaraxa iyo cidda fulisay. Waxaan sidoo kale caddeyn nooca qaraxa, ayada oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu ka dhashay miino suuqa khaatka la dhigay, balse weli lama xaqiijin.

Saddex qof oo ka mid ah 10-ka qof ee dhaawaca ah ayaa lagu warramay in xaaladdooda ay aad u liidato, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. Sidoo kale saraakiisha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaan ka hadal qaraxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here