Qaraxa lala beegsaday Gaari uu saarnaa Af-hayeenka Xukuumadda Macallimow

qarax muqdisho 2272019

Wararka ka imaanaya Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas oo ka dhacaya Qarax ismiidaamin ah kaas oo lala beegsaday Af-hayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimow.

War ka soo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Qaraxa lala beegsaday Gaari uu saarnaa Af-hayeenka Xukuumadda Macallimow.

Booliisku weli faahfaahin kama bixin Khasaaraha ka dhashay Qaraxa oo dhaawac ka soo gaaray Af-hayeenka .

Dhaawaca Macallimow ayaa loola cararay mid kamid ah isbitaallada Muqdisho halkaas oo haatan lagu dabiibayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here