Qaraxii Soobe iyo xusuusta Fahmo: “Waxaa dhacay wax aan ku tilmaami karno dhulgariir”

qarax muqdisho 2272019

Afar sano ayaa laga joogaa markii maanta oo kale, 14-kii October, uu qarax boqollaal qof ay ku dhinteen ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqidisho.

Qaraxaas ayaa xasuus ku reebay qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaalida ah gaar aahaan kuwa ku nool Muqdisho waxaana jira dad ilaa iyo hadda la la’yahay nolol iyo geeri doona loona badinayo in ay dhinteen.

Waxaa suuragal ah in dib loo dayactiray dhismeyaashii ku burburay qaraxaas, waxaana baaba’ay raadadkii muuqday ee uu reebay, balse saamayntii uu ka tagay ayay wali dad badan la nool yihiin, afar sano ka dib.

“Waxaan dhacay wax aan ku tilmaami karno dhulgariir, ka dib qof walba meeshii uu joogay ayuu ku go’doomay”, ayey tiri Fahmo Xasan Gabax oo maalintaas goobjoog u ahayd sidii uu qaraxa u dhacay, ka dibna qeyb ka ahayd howlihii gurmadka.

“Aniga waxaan joogay aagga Banaadir. Casir in aan tukado ayaan rabay, markaa ayey musiibada dhacday. Waan soo kala cararnay, meel aan ka baxnana waan waynay.”

Qaraxaas waxaa ku dhimatay in ka badan 500 oo qof, waxaana ku dhaawacantay illaa in ka badan 600 oo kale. Waxaa sidoo kale burburay dhismeyaashii waddada saarnaa.

Qaraxa ayaa dhacay xilli uu isgoyska Soobe aad u mashquul badnaa, waxaana ka jiray saxmad wayn oo dhanka gawaarida iyo dadka ah. Hareeraha Wadadana waxaa buux dhaafiyay dad warato ahaa iyo kuwo socday.

Fahmo waxay sheegtay in dhallinyaro badan ay u istaageen in ay sameeyaan wixii ay qaban kareen si ay ugu gurmadaan dhaawaca iyo kuwii ehelladooda ku waayay qaraxa.

“Subixii waxaan aaday isbitaallada magaalada Muqdisho si aan dhiig ugu shubno dhaawaca”.

Balse hammigoodaas waxaa caqabad ku noqday in isbitaallada magaalada aysan lahayn meel ay dhiigga ku keydiyaan, taas oo sababta in dadka qaar la weydiisto in ay soo noqdaan.

Fahmo waxay markii dambe noqotay qofkii maamulayay xarun la sameeyay oo ay soo wacayeen dadkii ay kuwa ay jecel yihiin ka maqnaayeen ee raadinayay xogtooda.

Dad badan ayaa xilligaas aad u jahwareersanaa, waxayna raadinayeen xogta qofkooda. Waxaa jiray kuwa badan oo dhaawac ama dhimasho, aad midna lagu haynin.

“Wicitaannada qaar waxaan ka fahmeynay in qofka uusan qofkiisa haynin, nolol ama geeri,” ayey tiri.

“Waxay ku ku leeyihiin walaal ‘wiilkeyga ama gabadheyda, ama aabehey ama awowgeey ama ayeydeey; Alle dartiis iigu soo hely maydka. Waxay moodayeen in anaga ay filinjeerro ay meel inoo yaallaan oo maydadka aan ku keydino”, ayey fahmo u sheegtay BBC Somali.

Waxay intaa ku dartay: “Dhacdadii iigu xanuunka badnayd ee aan illaawi Karin waxay ahayd, wiil dhakhtar ahaa oo ku dhintay aagga Buulaxuubeey; Qoyskiisa oo keliya ma aha nee Soomaali oo dhan ayaa raadineysay”.

Maxaa dhacay maalintaas

Gaari nooca xamuulka qaado ah ayaa galab Sabti ah, xilliga salaadda Casir, oo ku beegnayd 14 October 2017, ku qarxay isgoyska Soobe.

Muuqaal ay duubtay kaamirada amniga oo la baahiyay waxaa laga arkay waddada oo ay gawaari badan ku jiraan, saxmad aad u sareysana ay ka jirtay, iyo gaariga qarxay oo xawaare ku socday, ka dibna ku qarxay bartamaha wadada.

Ka dib qiiq iyo uurro ayaa is qabsaday, waxaana burburay dhismeyaashii ku dhowaa aagga. Waxaa qaraxaas laga dareemay inta badan magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo aad u cuslaa aawadeed, isla markii lama helin xogta rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca, waxayna tirada sii kordheysay illaa muddo isbuucyo ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ururka Al-Shabaab ku eedeysay in ay ka dambeysay qaraxaas, inkastoo kooxdaas aysan illaa iyo hadda sheeganin masuuliyadda.

Dadkii ku dhintay ayaa isugu jiray dhallinyaro, odeyaal, ganacsato, ardey, iyo noocyo badan oo bulshada ka mid ahaa.

Sannad ka dib, October 2018, mid ka mid ah raggii u loo haystay qaraxaas, oo maxkamad ay dil ku xukuntay, ayaa lagu toogtay Muqdisho.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo 19-kii October la hadlay shacabka Muqdisho wuxuu ku hanjabay in ay ka jawaabi doonaan weerarkaas.

Wuxuu madaxweynaha yiri: “Haddii aynaan ka jawaabin waxa maanta ay sameeyeen, dhibaatadaan way sii soconeysaa illaa hilbeheena aan ka aruursano dhulka. Ma u dulqaadaneysaan midddaas?”https://bbc.com/ws/av-embeds/cps/somali/war-58914077/p05k7wwh/soQoraalka Muuqaalka,

BBC oo booqatay qoyskii qaraxa Soobe lagaga dilay Maryam

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here