Qatar oo caddeysay mowqifkeeda ku aaddan heshiiska Israel iyo Carabta

WAD Qadar M bin Abdulrahman al Thani

Dowladda Qatar ayaa ka hadashay xiriirada diblomaasiyadeed ee muddooyinkii dambe ay Israel la sameysaneysay dalal carbeed, kuwaasi oo gebi ahaanba dhinac iskaga dhigay cadowtooyadii kala dhaxeysa Yahuuda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar, Sheekh Maxammed bin Cabdul-raxman Al-Thani ayaa sheegey in xiriirada dalalkaasi carbeed ee ay kamid ka yihiin Imaaraadka, Baxreyn iyo Sudan ay god mugdiya kusii ridayaan in la helo Falastiin xor ah.

Wasiirka ayaa xusay in xiriirkaasi uu majaxaabineyo dadaallada lagu doonayo in Falastiin ay ‘dal ku noqoto’, isagoo hoosta ka xariiqay in dalalkaasi ay u madax-banaan yihiin rabitaanadooda gaar ah.

“Waxay ila tahay inay wanaagsanaan laheyd in la helo Carab mideysan oo danaha Falastiiniyiinta ka dhigta midka koowaad, soo afjarana heysashada Israel” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda ee Qatar.

Waxa kale oo uu sheegay in dalalka heshiiska la gaarey Israel ay yihiin kuwa marka ugu dambeysa go’aan ka gaara waxa u wanaagsan dalalkooda.

Dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Sudan ayaa iyagu bilihii u dambeeyay go’aansaday inay xiriir wanaagsan oo saaxiibtinimo la sameeyan Israel, midaasi oo la aaminsan yahay inuu kaalin weyn ka ciyaaray madaxweynaha talada ka dagaya ee dalka Mareykanka, Donlad Trump.

Xiriirka Israel ay la yeelatay dalalkaasi carbeed ayaa abuuray xiisad cusub, iyada oo ay dhawaan hogaamiyayaasha Falastiin ku eedeyeen dalalkaasi dhinaca saaray Israel wax ay ugu yeeren ‘qiyaano’.

Si kastaba, waxa muddooyinkii dambe isa-soo badaleysay aragtida qaar kamid ah dalalka carabtu ka qabaan Israel oo xiisad tobanaan sano ah kala dhaxeyso Falastiin, midaasi oo la fahamsan-yahay inay meesha ka saarayso wada-jirkii dalalka Carabta oo hal mowqif ka ahaa qadiyada Falastiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here