Qatar oo ku dhowaad 100 Tan oo Gargaar ah ku wareejisay Dowladda Soomaaliya

qatar airforce mugadisho

Dowladda Qatar ayaa maanta Muqdisho soo gaarsiiyay 44 tan oo deeg gargaar ah taas oo qeyb ka ah jawaabta ay ka bixineyso baaqii dowladda Soomaaliya ee samata bixinta dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha.

Guddoomiyaha guddiga gurmadka fatahaadaha ahna wasiirka gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Xamsa Saciid Xamsa oo mas’uuliyiinta dowladda guddoomay deeqda oo ka kooban waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha, ayaa Qatar uga mahad celiyay celiyay kaalinta xooggan ee ay ka qaadanayso gurmadka iyo taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dowladda Qatar ayaa maalma ka hor sidaan oo kale waxa ay 42 tan oo gargaar ah u keentay Muqdisho, taas oo guud ahaan gargaarka ay ilaa hadda Qatar bixisay ka dhigeysa 86 tan.

Qatar ayaa noqoneysa dowladda ilaa hadda bixisay gargaarka ugu badan ee loogu gurmanayo deegaannada fatahaaduhu halakeeyeen.

Guddiga Gurmarka Fatahaadaha ee bishii hore uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa si xawaare ah u wada isku dubba ridka dadaallada lagu samata bixinayo dhibanayaasha fatahaadaha, iyada oo ay barbar socdaan qorshayaal xal waara loogu raadinayo dhibaatooyinka soo laalaabta ee fatahaadaha iyo abaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here