Qatar oo malaayin dollar ku bixisay deyn cafinta Somalia

kheyre iyo wad qatar4

 Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Qatar Sheikh Mohamed bin Abdulrahman Al Thani, ayaa ballan-qaaday in Qatar ay sii wadi doonto inay taageere weyn u ahaato Soomaaliya.

Al-Thani ayaa sidoo kale sheegay inaysan ka gaabin doonin inay siiso kaalmooyinka lagama maarmaanka u ah qorshaha horumarinta dowladda Soomaaliya, ayada oo lala kaashanayo Bankiga Adduunka iyo QM.

“Dowladda Qatar waxay dhowaan Soomaaliya siisay 25 milyan oo dollar oo caawimaad ah, si ay ugu bixiso yareynta deynta Bankiga Adduunka” ayuu yiri Al-Thani.

Wasiirka arrimaha dibedda Qatar ayaa sheegay in Qatar ay sidoo kale taageeri doonto horumarka amniga Soomaaliya, barnaamijyada lagu xoojinayo dhaqaalaha, mashrcuuyada dib u heshiisiinta, iyo in shaqo loo abuuro dhallinarada.

Sheikh Mohamed bin Abdulrahman Al Thani, ayaa hadalkan ka sheegay kulanka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islaamka, oo Qatar ay marti-gelisay, halkaas oo uu ka jeediyey khudbaddii furitaanka.

Kulanka Doha ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu, wasiirka arrimaha dibedda Azerbaijan Elmar Mammadyarov, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo xubno kale.

Wasiirka arrimaha dibedda Qatar, ayaa ku baaqay in lasii wado dadaallada lagu soo geba-gebeynayo dhismaha tiirka dimoqraadiyadda Soomaaliya, islamarkaana doorashada Soomaaliya ee 2021 lagu qabto waqtigeeda.

“Waxaa jira caqabado badan oo weli ay Soomaaliya wajaheyso, waana inaan siinnaa dhammaan taageeradeenna si ay uga gudubto. Waxaa caqabadahan ugu weyn argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha wadata” ayuu yiir.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa uga mahad celiyey Qatar inay marti-gelisay kulanka Kooxda Xiriirka Soomaaliya iyo “taageerada joogtada ah ee ay siiso” Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here