Qatar oo si kulul uga jawaabtay eedayn ay Eritrea u jeedisay

hogaamiyaasha eritrea iyo qatar

Dowladda Qatar ayaa diiday “eedeymo been abuur ah” oo uga yimid dowladda Eritrea, oo shalay Doha ku eedeysay inay dalkeeda ka waddo “arbushaad dhan walba ah.”

Qatar ayaa sheegtay inaysan wax shaqo ah ku lahayn koox ama kooxo ku sugan dalka Eritrea, taasina ay dowladda Eritrea “si wanaagsan uga war-hayso.”

Wasaaradda warfaafinta Eritrea ayaa qoraal ay shalay soo saartay ku eedeysay Qatar inay “hubeeneyso kooxo islaamiyiin ah oo dalkaas ka jira, iska horkeeneyso shacabka Eritrea, islamarkaanna abaabuleyso kacdoon lagu ridayo dowladda dalkaas.”

Bayaan maanta kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Qatar ayaa lagu sheegay inay aad ula yaabtay bayaanka ay deg degta usoo saartay wasaaradda warfaafinta Eritrea, intii ay mari lahayd hanaanada diblomaasiyadda iyo sharciga ah ee la aqoonsan yahay.

“Tani waxa sare u qaadeysaa shakiga laga qabo ujeedka dhabta ah iyo dhinacyada ka dambeeyey bayaanka aan garowshiiyaha lahayn” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibedda Qatar.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Qatar ay bishii April dhambaal cabasho ah u gudbisay safiirka Eritrea ee Qatar, islamarkaana muujisay sida aysan ugu faraxsaneyn qoraal la mid ah kii shalay oo ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Eritrea.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Safiirka Eritrea ee Midowga Africa waxa uu sanadii 2017 Qatar ka codsaday inay dhex-dhexaadiso dalkiisa iyo Jabuuti oo muran xuduudeed ka dhaxeeyey. Haddii Eritrea ay wax shaki ah ka qabtay dhab ahaanta eedeymahan nacasnimada ah ee kasoo baxay wasaaraddeea warfaafinta, ma sameyn lahayn codsi noocan ah.”

Wasaaradda arrimaha dibedda Qatar ayaa ugu baaqday wasaaradda warfaafinta Eritrea “in ay eegto xaqiiqda iyo xudunta dhibaatada, intii ay sameyn lahayd eedeymo been abuur ah oo ka dhan ah dal saaxiib ah oo dadka Eritrea ay xushmad u hayaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here