Qatar oo war kasoo saartay weerarkii xalay ee Hotel SYL

kheyre iyo wad qatar4

 Dowladda Qatar ayaa Maanta oo Arbaco ah cambaareysay Weerarkii ay Al-Shabaab Xalay ku qaadeen Hotel SYL oo ku yaalo agagaarka madaxtooyada Villa Somalia kaasoo ay ku dhinteen dad badan kuwa kalana ay ku dhaawacmeyn.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa mar kale ku celisay sida ay uga xun tahay falalka guracan oo ay argagixisada sameenayaan iyadoo aan la fiirineyn natiijada xun ee ka dhalaneyso.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa tacsi usoo dirtay ehelada ay dhibaatada soo gaartay, Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed iyadoo Alle uga barisay inuu caafimaad deg deg ah siiyo kuwa ku dhaawacmay.

Al-Shabaab ayaa Xalay weerar culus ku qaaday Hotel SYL oo ay dagan yihiin madaxda Dowladda Soomaaliya, wuxuuna Hotelkaas ku yaalaa meel amnigeeda aad loo ilaaliyo iyadoo weli la iswaydiinayo sida ay ugu suurtagashay inay Al-Shabaab soo weeraraan.

Hadalka kasoo baxay Qatar ayaa kusoo aadayo iyadoo ay dhawaan Eretariya ku eedeysay inay wadankeeda ku abuureyso kooxo Argagixiso ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here