Qiimeyn lagu sammeeyey ciidamada Somalia oo ay ka soo baxday natiijo cajiib ah

kumaandoos gorgor

Ciidamada Soomaaliya ayaa sameeyey horumar weyn oo ay isugu filan yihiin, taasi oo u ogolaaneysa inay amniga dalka kala wareegaan Amisom, sida lagu sheegay qiimeyn ay sameysay Amisom.

Xogtan ayaa waxaa shaaca ka qaaday saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga dalka Kenya, oo la hadlay wargeyska The Star.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyada, waxaa bilihii tegay ciidamada Soomaaliya ay fulinayeen howl-gallo ka madax-banaan Amisom oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib tababaro xooggan oo ay heleen.

Amisom ayaa qiimeyn sanadle ah, oo loogu magac daray Qiimeynta Diyaargarowga Hawlgalka ku sameysa ciidamada Soomaaliya. Ujeedka qiimeyntan ayaa ah in lagula socdo awoodda ciidamada Soomaaliya.

“Warbixinada qiimeynta ayaa sheegaya inay caddahay in ciidamada Soomaaliya ay heleen heer awood oo macquul ah oo ay iskood isugu filan yihiin, inkasta oo weli taageero kooban oo dheeri ah ay u baahan yihiin,” ayuu yiri il-wareedka la hadlay wargeyska The Star.

Il-wareedyada ayaa sheegay in lagu guuleystay waxyaabo badan oo qeyb ka ah Qorshaha Kala Guurka Soomaaliya ama Somali Transition Plan (STP), kaasi oo ah midka ciidamada Amisom looga saarayo Soomaaliya.

Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, iyo taliyaha Amisom Diomede Ndegeya, ayaa dhowaan kulan la qaatay Golaha Amniga iyo Nabad-galyada Midowga Afrika ayaga oo ka warbixiyey diyaar-garowga ay ciidamada Amisom uga baxayaan Soomaaliya, wax wanaagsanna ka sheegay ciidamada Soomaaliya.

Ndegeya ayaa sheegay inuu taliyayaasha qeybaha kala duwan ee Amisom uu amray inay si tartiib ah mas’uuliyadda ugu wareejiyaan ciidama amniga Soomaaliya.

Kadib sanado badan oo lagu sheegay “kuwa taga darran,” waxaa ugu dambeyn muuqata in ciidamada Soomaaliya ay awooddooda dib usoo laabatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here