QM oo shaacisay in Kenya ay ka been sheegtay kiiska muranka badda Soomaaliya

somalia kenya flag

Guddiga Khubrada QM ee Soomaaliya oo soo saaray warbixintoodii sanadda 2019 ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay ka been sheegtay kiiska muranka badda ee u dhaxeeya Nairobi iyo Muqdisho.

Guddiga ayaa sheegay in Kenya ay marin habaabisay shirkii ay dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Spectrum Geo (oo hadda la baxday TGS) ku qabteen magaalada London, 7-dii February, kaasi oo lagu soo bandhigay xogta daraasad shidaal sahmin oo lagu sameeyey ciidda xeebaha Soomaaliya.

Kenya ayaa toddobaad kadib shirkaas u yeertay safiirkeeda Soomaaliya, ayada oo ku dooday in dowladda Soomaaliya ay shirkaas ku xaraashtay xirmooyin shidaal oo ku yaalla aagga  gaarka ah ee dhaqaalaha Kenya (Exclusive Economic Zone).

Si kastaba, Guddiga Khubrada QM ee Soomaaliya ayaa sheegay in xogta lagu soo bandhigay shirkaas aysan wax shaqo ah ku lahayn aag badeedka lagu muransan yahay.

Guddiga waxa uu sidoo kale sheegay in wax xirmooyin shidaal ah aan lagu xaraashin shirkaas, sida ay Kenya ay sheegtay.

Warbixinta Guddiga ayaa meesha ka saareysa mid ka mid ah sababihii ay Kenya u adeegsatay in dagaal diblomaasiyadeed oo xooggan ay ku qaado Soomaaliya tan iyo markaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan horey ugu beenisay in xirmooyin shidaal ay xaraashtay, waxayna sidoo kale sheegtay in dhul badeedka sahminta laga sameeyey aanu ku jirin midka muranka ka taagan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here