Qodobadii looga hadlay kulankii Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Eritrea+Sawirro

Farmaajo iyo Afwerki2

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa galabta kulankii koowaad ee safarkiisa la yeeshay dhigiisa dalkaas Isaias Afwerki, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Meskel.

Meskel ayaa sheegay in Farmaajo iyo Afwerki ay wada-hadallo qoto-dheer ka yeesheen horumarka xiriirka labada dhinac iyo arrimaha gobolka ee danta ay ugu jirto labada dal.

Waxaa uu xusay in labada madaxweyne ay sidoo kale muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin horumarka laga sameeyey fulinta heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya.

“Waxay isku raaceen inay sare u qaadaan dadaalka wadajirka ah ee lagu adkeynayo wada-shaqeynta saddexda dal, iyo is-dhexgalka gobolka.” Ayuu yiri wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Meskel.

Meskel ayaa sheegay in labada madaxweyne ay sidoo kale xuseen horumarka wanaagsan ee Soomaaliya ay sameysay, ayna hoosta ka xariiqeen go’aan dadaallo dheeri ah lagu gelinayo sidii loo xoojin lahaa hay’adaha muhiimka, gaar ahaan qeybaha amniga iyo difaaca iyo dib u habaynta dhaqaalaha iyo kaabayaasha, ayna labada dal dadaal isku mid ah gelin doonaan taas.

Sida uu sheegay Meskel, Farmaajo iyo Afwerki ayaa ugu baaqay dhammaan saaxiibada Soomaaliya inay taageero muhiim ah siiyaan si ay u xoojiso hay’adaha dowliga iyo awoodda qaranka uu uleeyahay fulinta waxyaabaha muhiimka u ah Soomaalida.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Asmara ku sugnaan doono muddo laba maalmood ah, waxaana la filayaa inuu wada-hadallo kale oo dheeri ah la yeesho Afwerki.

Farmaajo iyo Afwerki1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here