Qofkii 2aad ee qaba cudurka Coronavirus oo Muqdisho laga helay

Coronavirus

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa shaacisey in Magaalada Muqdisho laga helay qofkii labaad ee qaba Cudurka Coronavirus ee ku baahay Caalamka.

Shir Jaraa’id oo ay ku qabatay Magaalada Muqdisho ayay Maanta ku shaacisey in Qof Soomaali ah oo ka yimid dalka dibadiisa, kadib baaritaan lagu sameeyey laga helay Cudurka COVID 19.

Waxaa ay sheegtay in qofkaas uusan jirkiisa ka muuqan wax Calaamado ah, hayeeshee Wasaaradda Caafimaadka ay muwaadinkaas Soomaaliyeed ay gacanta ku heyn doonto ilaa iyo inta uu ka caafimaadaayo.

16-kii Bishaan ayaa Wasaaradda Caafimaadka waxaa ay shaacisey in qofkii ugu horreeyay ee Cudurka Coronavirus laga helay Muqdisho kaas oo ka mid ahaa Afar qof oo yimid wadanka Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here