Qofkii ugu horreeyey oo Soomaali ah oo Coronavirus ugu dhintay Minnesota

Coronavirus2

 Qofkii u horeeyay oo Soomaali ah ayaa maanta gobolka Soomaalidu ugu badan tahay dalka Mareykanka ee Minnesota ugu geeriyooday cudurka Coronavirus/Covid-19.

Xaaji Saalax Cabdalla Maxamed, waa Soomaaligii u horeeyay eegobolkaasi ugu dhintay Coronavirus, isagoo da’diisuna aheyd 86-jir.

Xaaji Saalax ayaa lagu waramayaa in uu hore u qabay xanuuno kale, midaasi oo horseeday inuu soo rito cudurka halista ee Coronavirus.

Geerida Xaaji Saalax AUN ayaa goordhoweyd oo maanta ah waxa shaaciyay wiil uu dhalay.

Marxuumka ayaa kamid ahaa Soomaalida mudada badan ku noola dalkaasi Mareykanka, gaar ahaan gobolka ay sida weyn ugu badan yihiin Soomaalidu ee Minnesota.

Dalka Mareykanka, ayaa waxa uu safka hore kaga jiraa dalalka uu sida weyn usoo ritay cudurka Corona, oo kusii fidiyay aduunyada, iyadoona maalin walba la diiwaan galiyo dad badan oo u geeriyooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here