Qoor-Qoor iyo guddoomiye Cabdi Xaashi oo Dhuusamareeb kulan ku yeeshay

qoorqoor iyo cabdi xaashi dhuusamareeb

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha golaha aqalka sare Cabdi Xaashi C/laahi oo maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Ugu horreyn Madaxweyne Qoo-Qoor ayaa uga mahaceliyey guddoomiyaha imaashiyha caasimadda Galmudug, halkaas oo uu caawa uga qeyb-galayo munaasabadda furitaanka Kalfadhiga labaad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Sidoo kale Qoor-Qoor ayaa guddoomiyaha aqalka sare warbixin dheer ka siiyey xaaladda Galmudug iyo horumada laga dareemayo deegaanada maamulkaasi.

Dhankiisa Cabdi Xaashi oo madasha ka hadlay ayaa boggaadiyey dadaalka uu sameeyey Madaxweynaha Galmudug, isaga kula dar-daarmay inuu xoojiyo dib u heshiisiinta.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Madaxweynaha Galmudug dadaalladii uu ka geystey sidii la isugu soo dhoweyn lahaa madaxda dowlada dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, kadib shirarkii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.

Cabdi Xaashi ayaa waxaa sidoo kale la filaya inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb in uu la kulmo guddoonka baarlamaanka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here