Qoor-Qoor oo loo doortay madaxweynaha Galmudug

qoorqoor

Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa maanta madaxweynaha cusub ee maamulkaasi u doortay, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, kadib markii uu ku guuleystay doorasho ka dhacday maagaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Qoor-Qoor ayaa ku soo baxay wareegii koowaad ee doorashada, isagoo helay 66 cod, halka musharraxii kale ee ku xigay ee Cabdullaahi Axmed Samatar uu helay 9 cod.

Sidoo kale waxaa wareegaan ku haray Cabdiraxmaan Axmed Sabriye oo helay 1 cod iyo Axmed Shire Maxamed (Falagle) oo isna helay 1 cod.

Guddoomiyaha baarlmaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal oo ku dhawaaqay natiijada doorashada ayaa shaaciyey inuu xil ka madaxweynaha Galmudug ku guuleystay Qoor-Qoor, islamarkaana uu hoggaamin doono afarta sano ee soo socota.

Intaasi kadib ayaa waxa ay xildhibaanadu guda galeen u codeynta musharraxiinta u taagan xil ka madaxweyne ku xigeenka, kuwaas oo gaarayey shan musharrax.

Shanta musharrax ayaa waeeegii koowaad kala helay: Cabdiqani Sheekh Cali Diini 26 cod, Cali Daahir Ciid 26 cod, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) 12 cod, Saadaq Cabdullaahi Xaashi 7 cod iyo Axmed Taajir Yuusuf Warsame oo isna helay 6 cod.

Sidoo kale waxaa wareega labaad u gudbay afarta musharrax ee ugu codadka badnaa wareega 1-aad, balse inta aysan bilaaban codeynta ayaa waxaa taanusalay musharraxiinta Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) iyo Saadaq Cabdullaahi Xaashi.

Sidaas daraadeed waxaa wareega labaad oo aad u adkaa ku tartamay, Cabdiqani Sheekh Cali Diini iyo Cali Daahir Ciid oo min 26 dhibcood kala helay wareegii 1-aad.

Sida uu shaaciyey guddoomiye Gacal waxaa ugu dambeyn xil ka madaxweyne ku xigeenka Galmudug ku guuleystay musharrax Cali Daahir Ciid oo helay 46 Cod halka Cabdiqani Sheekh Cali Diini uu helay 31 Cod.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here