Qoor Qoor oo shaaciyey liiska golihiisa wasiirada oo ay ku jiraan Fiqi iyo Saabir

xilwareejin xaaf qoorqoor1

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa soo saaray liiska golihiisa cusub ee wasiirrda oo ka kooban 23 xubnood, oo ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah.

Liiskan waxaa ka soo muuqday Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana loo magacaabay wasiirka amniga Galmudug.

Sidoo kale Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo isna ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ayaa loo magacaabay wasiirka dekadaha iyo kalluumeysiga Galmudug.

Sidoo kale liiskan waxaa kasoo muuqday Axmed Shire Falagle oo kamid ahaa musharaxiintii xilka madaxweynaha kula tartantay Qoor-Qoor, waxaana loo magacaabay wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Galmudug.

Wasiirka Maaliyadda ayaa waxaa loo magacaabay Farxaan Cali Gaban oo horay Wasiirka Warfaafinta u soo noqday dowladdii KMG aheyd ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Halkan hoose ka akhriso liiska oo dhameystiran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here