Qoor Qoor: Sharaf bay ii tahay inaan xiriir la leeyahay madaxda DF waana ku faanaa

qoorqoor

Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa ka hadlay doorashadii uu maanta ku soo baxay iyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan deegaanada uu ka arimiyo maamulka hoggaankiisa loo doortay.

Qoor-Qoor oo la hadlay VOA ayaa ugu horeyn waxa uu sheegay in doorashadiisu ay aheyd mid u dhacday si xor ah, muddo dheerna loo diyaar garoobayey.

Mar wax laga weydiiyey tuhunka jira ee ah in dowladdu wadatay oo ay uga xaglisay musharaxiintii kale, ayaa waxa uu sheegay in uu ku faanayo xeriirka iyo wada shaqeynta kala dhexeysa madaxda dowladda federaalka, isla markaana uu ku faanayo.

“Anigu inaan xilkan isku soo sharaxo xaqbaan u leeyahay sanad iyo wax ka badan ayaana musharax ahaa, inaan dowladda xiriir iyo wada shaqeyn la leeyahayna sharaf ayey ii taha, anigu maahi dadka khilaafka iyo khalalaasaha ka shaqeeya, mar walba in dowladnimada Soomaaliya horay loo sii wado ayaan ka shaqeeyaa” ayuu yiri madaxweynaha cusub ee Galmudug.

Sidoo kale waxa uu sheegay madaxweyne Qoor-Qoor in khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Galmudug uu xalkiisa raadin doono, qolo kasta oo wax tabanaysana uu meeshooda ugu tagi doono.

Qoor-Qoor ayaa sidoo kale cid kasta oo tabasho qabta ka dalbaday inay soo fariistaan miiska wada hadalka, isagoo balan qaaday in uu xali doono tabashadooda.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo ka mid ahaa musharaxiin afar ah oo maanta u tartantay xilka madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ku soo baxay doorasho socotay wax ka yar 30 daqiiqo, waxuuna helay 66 cod oo ka mid ah codadka 77 xildhibaan oo kulanka soo xaadirtay.

Halkan ka dhageyso wareysiga Qoor Qoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here