R/W Abiy Ahmed oo billaabay qorshe uu kusoo dhoweysanayo Soomaalida

abiy axmed2

Ra’iisal waaaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa billaabay qorshooyin uu kusoo dhoweysanayo Soomaalida ku nool dalkaas, xilli Itoobiya la filayo inay doorashooyin ka dhacaan sanadka soo socda.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa shalay magaalada Godey ka daah furay mashruuc lagu dhisaayo wado muhiim ah oo gaarayso 300 kmg.

Mashruucaan oo ku baxayaa lacag dhan 6 Billion Birr ayaa waxaa lagu dhisayaa wadooyinka Gode-Kelofo Lot-1, Gode-Hargele Lot iyo Yale-Dana Lot-3. Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in deegaanka Soomaalida Itoobiya ay u baddali doonaan mid horumar leh oo lagu tiirsado.

Wadooyinkaan cusub ayaa waxay bulshada u sahli doontaa isku xirka ganacsiga iyo isdhexgalka bulshada.

Munaasabadii furitaanka ayaa waxaa Ra’iisal wasaare  Abiy kala soo qeybgalay ku-xigeenkiisa Demeke Mekonnen, madaxweynaha deegaanka Soomaalida, Mustafa Cumar, madaxweynaha ismaamulka Oromiya Shimelis Abdisa iyo xubno kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here