R/W Kheyre oo daah-furay munaasabadaha weyneynta xuska 60 guurada xorriyada

kheyre daahfur

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay daah furay munaasabadaha weyneynta xuska 60 sano guurada xorriyadda iyo midnimada Soomaaliyeed oo lagu qabtay beerta qarannimada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kheyre ayaa sheegay in qof kasta oo Soomaaliyeed laga doonayo inuu ka dhabeeyo himilooyinkii halgamayaashii Soomaaliyeed ee kasoo shaqeeyay xornimada dalka oo doonayay in dalka Soomaaliya uu kamid noqdo dalalka ugu horreeyay dunida.

Munaasabadda oo ay kasoo qayb galeen wasiirro, xildhibaanno, guddoomiyaha gobalka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaruhu sidoo kale ka sheegay in Soomaaliya ay soo ceshan karto sharaftii ay dunida ku laheyd hadii dhammaan dadka Soomaaliyeed ay ka wada shaqeeyaan.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Janaayo 04, 2020 wuxuu magacaabay guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xorriyadda dalka oo shaqadoodu tahay inay qaban-qaabiyaan xuska maalmaha xorriyadda ee 26ka Juun iyo 1da July ee sanadkaan 2020.

Rw khayre oo arimo badan ka hadlay

Slået op af Somali Space i Torsdag den 5. marts 2020

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here