R/W Kheyre oo shaaca ka qaaday qalab ay u direen Somaliland iyo Puntland

kheyre 2020

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shaaca ka qaaday inay Somaliland iyo Puntland u direen xirmadii koowaad oo ah qalab looga hortagayo faafitaanka cudurka Coronavirus.

Kheyre ayaa sheegay in sidoo kale maamul goboleedyada kale ee dalka ee Galmudug, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ay ku xigsan doonaan oo iyana ay u diri doonaan agabkan.

“Waxaan maanta u dirnay Somaliland iyo Puntland xirmadii koowaad ee qalabka ka hor-tagga Covid-19. Waxaa ku xigi doona Galmudug, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle,” ayuu Kheyre ku yiri qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay twitter.

Kheyre ayaa sheegay in xaddiga uu la eg yahay cudurka Coronavirus ay u baahan tahay taageero dalka oo dhan la gaarsiiyo iyo wada-shaqeyn dhex-marta dhammaan maamullada dalka iyo dowladda dhexe.

Kheyre ma bixin wax faah-faahin oo intaas dheer. Hase yeeshee ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in agabkan uu yahay qeyb ka mid ah kaalmadii Soomaaliya kasoo gaartay Shiinaha

Diyaarad sida qalab caafimaad iyo dawooyin loogu tala-galay ka hor-tagga yo in lagula tacaalo cudurka Coronavirus, ayaa talaadadii kasoo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qalabkan ayaa waxaa qaar ka mid ah dalalka Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya ugu deeqay Jack Ma, oo ah aas-aasaha shirkadaha Alibaba, sidoo kalena ah ninka ugu taajirsan dalka Shiinaha oo cudurkan saf-mareenka ku noqday dunida uu kolkii hore ka dillaacay.

Gargaarka ayaa waxaa qayb ka ah qalabka dadka looga baaro cudurka Coronavirus iyo qalabka ay isticmaalaan dhaqaatiirta ka howl gala xarumaha caafimaad iyo goobaha lagu baaro dadka looga shakiyo Caabuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here