R/W Rooble oo ku dhowaaqay go’aan culus oo la xiriira doorashooyinka dalka

rooble qoorqoor laftagareen guudlaawe filish.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku dhowaaqay go’aan culus oo la xiriira doorashooyinka dalka, kadib kulan uu la qaatay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada kala ah Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo duqa Muqdisho.

Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay sidii loo bilaabi lahaa doorashada, loogana gudbi lahaa khilaafka xoogan ee ka taagan dalka.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddiisu ay go’aansatay in la guda galo hir-gelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marar badan uu waqti iyo dadaal ku bixiyey sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ka taagan doorashooyinka, iyada oo la tixgelinayo dhinacyada ka soo horjeeda dowladda federaalka ee tabashada ka muujinayo hanaanka doorashada dalka.

“Waxaan marar badan ku celceliyay in ay albaabadaydu u furan yihiin cid walba oo tabasho qabta, aanna diyaar u ahay had iyo jeer inaan tixgeliyo aragtiyada kala duwan ee la xiriira fulinta heshiiskii doorashooyinka iyo habraacyadii lagu heshiiyay.” ayuu yiri.

Rooble ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in horey loo sii socdo, islamarkaana la xoojiyo dowlad dhiska iyo horumarka dalka.

Dhankiisa madaweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa xusay in dadaal badan uu ku bixiyey isku soo dhowaanshaha dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland, balse aysan weli wax jawaab ah ka soo noqon Axmed Madoobe iyo Deni oo si weyn uga soo horjeedo hannaanka ay wax u socdaan.

”Waxaan rabaa inaan halkaan ka caddeeyo in wali aysan wax jawaab ah kasoo noqon saaxiibadayda Puntland iyo Jubaland dhexdhexaadintii aan halkan u imid iyo natiijadii wanaagsanayd iyo tanaasulkii ay ii muujiyeen Madaxda Qaranka”. ayuu yiri Qoor Qoor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here