R/W Rooble oo shaaciyey in Kiiska badda uu yahay arrin lama taabtan ah

Rooble iyo kenyan fm Raychelle Omamo

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo maanta xafiiskii ku qaabilay Wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya, Raychelle Omamo ayaa shaaciyey in Kiiska badda uu yahay arrin lama taabtan ah.

Qoraal kasoo baxaya xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in Rooble marnaba uusan ka tallaabsan doonin go’aanka laga sugayo maxkamadda caalamiga ee caddaalada, islamarkaaana uu ku adkeysanayo in murankaas aan laga geli karin wax wada-hadal ah.

“Xukuumadda Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada,” ayaa lagy yiri qoraalka xafiiska Rooble.

Sidoo kale waxa qoraalka lagu sheegay in Rooble iyo Omamo ka wada hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata, si uu booqasho ugu tego caasimada dalkaas ee Nairobi.

Labada Dal ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa ah laba dal oo deris oo ay ka dhexeeyaan dano badan sida; diblomaasiyadda, amniga iyo arrimaha dhaqaalaha. Waxaa dhawaana meesha laga saaray mad-madow soo dhex-galay xiriirkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here