R/Wasaare Kheyre oo kusoo wajahan Muqdisho kadib xil ka qaadistii lagu sameeyey

kheyre dhoof2

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo uu maanta Baarlamaanku kalsoonidii kala laabtay kalsoonidii ayaa goordhow kusoo wajahan magaalada Muqdisho.

Kheyre ayaa waxa ku wehliya safarkiisa xubno ka tirsan xukuumadiisa la sheegay in xilka laga xayuubiyey.

Xasan Cali Kheyre oo ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa usoo ambabaxaya Muqdisho, kadib markii uu ka war helay xil ka xayuubinta Baarlamaanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale aqbalay go’aanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ay kalsoonida uga laabteen Ra’iisul Wasaare Kheyre, halka ay kasoo horjeesteen xubno kamid ah xukuumadii Kheyre.

Xasan Kheyre ayaa la filayaa in marka uu kasoo dago magaalada Muqdisho uu ka hadlo xil ka xayuubinta lagu sameeyay xukuumadiisa iyo arrimaha taagan.

Ilaa hadda ma cada qaabka uu Kheyre uga hadli doono xil ka xayuubintiisa, inkasta oo wasiiro ka tirsan xukuumadiisu ay gebi meel adag iska taageen xil ka xayuubintasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here