R Wasaare Kheyre oo la filayo inuu tago Dhuusamareeb

kheyre shirweyne galmudug4

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Qaban qaabada iyo soo dhowenta Ra’iisul wasaaraha ayaa saaka laga dareemayaa gudaha maaladaasi, iyadoo sidoo kale si aad loo xoojiyey amniga.

Wararka qaar ayaa sheegaya in socdaalka Khayre uu la xariiro dhameystirka dhismaha Galmudug oo loo dhan yahay iyo dhaqan gelinta heshiiskii Ahlu Sunna.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dusha kala socon doono howlaha doorashada, gaar ahaan soo xulista xildhibaanada cusub ee Galmudug.

Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo kala duwan uu la qaato hoggaanka Ahlu Sunna, madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si xal waar looga gaaro tabashooyinka weli jira.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaya marar badan dib ugu laabtay deegaanada dowlad goboleedka Galmudug, isagoo dadaal ku bixinaya dhismaha maamulkaasi oo muddo soo jiitamayey, kadib khilaafaad ka dhashay.

Doorashada Galmudug, gaar ahaan mida madaxweynaha ayaa lagu wadaa in la qabto bilowga bisha dambe iyadoo haatan ay socoto qaban qaabadii ugu dambeysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here