Raaligelintii Madaxweyne Farmaajo oo dhiirigelinaysa in Xasuuq labaad uu Buuhoodle ka dhaco

farmaajo kalshaale

Warkii ugu dambeeyey ee aan ka helayno magaalada Buuhoodle ayaa xaqiijinaya in maalmihii ugu dambeeyey ay Somaliland ciidamo ku sii daabuleysay degaamo hoostaga Magaalada buuhoodle, halkaas oo laga cabsi qabo inay ka geystaan mid la mid ah Xasuuqii ay Kalshaale ka geysteen, xiligii Madaxweyne Siilaanyo.

Ciidamada Somaliland iyo shacab isdifaac nafeed ku jira ayaa isku hor fadhiya degaanka Caroweyn, waxayna u muuqataa in xabadu xili kasta bilaaban karto.

Abaabulka dagaalkan ayaa waxaa dhiirigelisay Raaligelintii uu Madaxweyne Farmaajo siiyey qaar ka mid ah beelaha dega Goboladda Waqooyi, gaar ahaan Burco iyo Waqooyi Galbeed, iyadoo aanu soo hadal qaadin dhibtii iyo tacadiyadii ay u geysteen beelaha kale ee waqooyi la dega sida Xasuuqii Kalshaale oo ciidamada Somaliland ku xasuuqeen Boqolaal xoolo dhaqato ah oo laga fariistay ceelashii Biyaha, dilka iyo dhaawacyada loo geystay shacabkii u banaanbaxayey midnimada Soomaaliya, waxgaradkii iyo qoorweyntii degaamadaas oo si qorshaysan mid loogu dilay cid loo qabtayna aanay jirin.

Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisul Wasaare Kheyre ayaa u muuqda inay cagta saareen dariiqii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shiikh Shariif, kuwaas oo Reer Waqooyi u yaqaanay Beesha Isaaq, iyagoo dulmiyey degaamadii iyo Beelihii kale. Raaligelinta Farmaajona waxay Xalaaleysay dhibkii mudada dheer lagu geysanayey SNM ama Somaliland.

Shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn qolqol iyo qurbejoogba ayaa looga baahan yahay inay ka diyaargaroobaan Xasuuq la mid kii kalshaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here