Rabshadihii Capitol iyo Guul darradii booliska Mareykanku ay amaanka ku sugi waayeen

Rabshadihii Capitol hill

Waddanka Mareykanka wali ma wuxuu la liicayaa dhacdadii qalalaasaha ahayd ee Arbacadii ka dhacday Washington, su’aalo culus ayaa hadda la iska weydiinayaa sida uu fal noocaas ah oo amniga xad-gudub ku ah uga dhacay xuddunta dowladda Mareykanka.

Dad badan ayey xitaa wali ka dhaadhici la’dahay sida ay ku suuragashay in kumannaan taageerayaasha Trump ah ay xoog ku galaan mid ka mid ah dhismeyaasha ugu taariikhda weyn waddanka Mareykanka xilli ay siyaasiyiin xilal baarlamaan loo doortay ku sugnaayeen gudaha si ay u ansixiyaan guushii doorashada ee Joe Biden.

Sawirro iyo muuqaallo laga soo duubay dhacdada ayaa muujiyay in dadkii rabshadaha sameynayay ay gaareen heer ay ku dhex wareegaan gudaha xarunta.

Taageerayaal badan oo ka tirsan kuwa Trump ayaa la arkayay iyagoo sawirro iyo muuqaallo toos ah isaga duubaya halkaas xilli ay bililiqeysanayeen astaamaha dimuqraaddiyadda Mareykanka kaddibna ay si nabad ah ku baxeen.

Xilli ay dhacdooyinkan oo dhan ahaayeen kuwo toos looga daawanayay baraha bulshada iyo wararka telefishinnada, su’aalo badan ayaa la iska weydiinayay qaabka ay ciidamada Mareykanka ugu diyaarsanaayeen inay ka jawaabaan falalka noocaas ah – iyadoo la ogyahay in qiyaastii 2,000 oo askari ay khaas u yihiin shaqadooduna tahay in ay difaacaan dhismahaas iyo barxaddiisa.

Dhacdadan waxay sababtay in xildhibaannadii Mareykanka ee halkaas joogay ay darbiyada ku gabadaan ka hor inta aan la daad gureynin iyagoo loo xiray qalabka gaaska sunta ah la isaga difaaco. Kaddibna saacado ayey qaadatay in dadkii rabshada waday laga nadiifiyo goobtaas amnigana si buuxda loo soo celiyo.

Markii uu gabbalka dhacay Arbacadii ayaa dad loo xirxiray inay jabiyeen sharcigii bandowga ahaa ee loo soo rogay si xaaladda gacanta loogu soo celiyo.

Maxay tahay guul darrada dhinaca amniga ee la sheegayo?

Dhaleeceynta ugu badan waxay ku qotontaa sida ay dhacdo noocan ah ugu diyaarsanaayeen booliska.https://bbc.com/ws/av-embeds/cps/somali/war-55589511/p093dq41/soQoraalka Muuqaalka,

Muuqaal lagu duubay telefoon ayaa muujinaya qalalaase ka dhacay xaunta US Capitol

Muuqaallo lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa lagu arkayay safafka booliska oo si deg deg ah ay uga bateen dadkii rabshadaha sameynayay, kuwaasoo qaarkood ay ku labisnaayeen dharka qafilan iyo qalabka ciidamada.

Saacado kaddib markii ay xiisadda billaabatay ayaa la arkayay dad si nabdoon looga soo saarayo xarunta gudaheeda iyagoo aan la xireynin – iyadoo dadka qaar xitaa ay u muuqdeen in lagu caawinayo sidii ay dhismaha ugasoo bixi lahaayeen.

Muuqaal kale oo aad u faafay ayaa muujiyay askari ka tirsan booliska oo sawir la galaya nin dadkii qalalaasaha sameynayay ka mid ahaa oo gudaha xarunta ugu jiray si sharci darro ah.

Nick Ochs, oo xubin ka ah ururka Proud Boys ee garabka midigta-fog, ayaa Twitter-kiisa kusoo bandigay sawir uu isaga soo qaaday gudaha, markii dambena wuxuu telefishinka CNN ku yidhi: “Waxaa halkaas joogay kumannaan qof – iyagu ma aysan xakameyn karin xaaladda. Aniga cid is istaajisay ma jirin ama su’aal i weydiisay.”

Mid ka mid ah dadkii rabashada sameynayay ayaa la sawiray isagoo wajigiisa la arkayo, lugahana saaraya miiska afhayeenka aqalka Wakiillada, Nancy Pelocy ka hor inta uusan halkaas ka tagin isagoo gacanta ku wata warqad u muuqatay in uu khaanaddeeda ka xaday.

Nin uusan wajiga u qarsaneyn ayaa sidoo kale la arkayay isagoo garabka ku wata calanka muujinaya cunsuriyadda caddaannimada, halka nin caan ah oo lagu yaqaanno abuurista sheekooyinka male’awaalka ah uu isku soo sawiray isagoo ku fadhiya kursiga senetarnimada ee uu saacado xilligaas ka hor ku fadhiyay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence.

Maxay siyaasiyiintu ka dhaheen arrinta booliska?

Hadda tiro ka mid ah xildhibaannada Mareykanka ayaa khasab ka dhigay in shaqada laga eryo saraakiil sar sare oo ay u heystaan mas’uuliyadda wixii dhacay.

Chuck Schumer oo loo doortay hoggaamiyaha Aqalka Senate-ka ayaa sheegay in marka xilkiisa loo dhaariyo uu shaqada ka eryi doono Mike Stenger oo taliye u ah ciidanka ilaalada Senate-ka.

Sidoo kale afhayeenka Congress-ka Nancy Pelosi ayaa sheegtay in uu iscasili doono sarkaal kale oo lagu magacaabo Paul Irving oo taliye kale ah.

Sidey boolisku uga jawaabeen dhaleeceynta?

Maalintii Khamiista, Taliyaha guud ee booliska xarunta Capitol ayaa xaqiijiyay in askar ka badan 50 oo ka mid ah booliska lagu dhaawacay halkaas, wuxuuna sheegay in ciidankiisu ay qlalaasaha wax ka qabteen inkastoo dadka rabshadaha sameynayay ay ahaayeen kumannaan qof.

“Weerarkii qalalaasaha ahaa ee lagu qaaday US Capitol wuxuu ahaa mid ka duwan dhacdooyinkii aan lasoo kulmay 30-kii sano ee aan ka shaqeynayay laamaha amniga ee Washington,” ayuu yidhi taliye Steven Sund..

Wuxuu bayaan uu soo saaray ku sheegay in taliska boolisku ay dib u eegis ku sameynayaan sidii ay wax u dhaceen iyo hannaankooda sugidda amniga.

Dadkii rabshadaha sameeyay mala maxkamadeyn doonaa?

“Waligeen ma quusan doonno, mana isdhiibi doonno”, ayuu Trump ku yidhi taageerayaashiisa

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence ayaa ka mid ah dadka dalbaday in maxkamad lasoo taago kuwii qalalaasahaas sameeyay, sharciga ugu adagna la marsiiyo.

Haddii ay noqoto in dacwado lagu soo oogo dadkaas, waxaa la heli doonaan caddeymo aad u badan oo muujinaya dambiyadii waaweynaa ee laga geystay goobta.

Inkastoo shirkadda Facebook ay tirtirtay qaar ka mid ah muuqaallada loo arki karo inay shacabka kicinayaan, haddana dambi baareyaasha qaarkood ayaa shacabka ka codsaday inay aruuriyaan caddeymaha muuqaallada iyo sawirrada ah.

Taliska booliska ee US Capitol ayaa dhankooda xaqiijiyay in ay kaamirooyinkooda ka baarayaan dadka mudan in la maxkamadeeyo.

Khubarada dhinaca sharciga ayaa sheegay in dadka dambiyada geystay qaarkood ay wajihi karaan 20 sano oo xabsi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here