Ra’iisal Wasaaraha cusub oo kalsooni buuxda ka helay beeshii ugu horreysay

maxamed xuseen Rooble

Beesha Shanaad ayaa si buuxda u taageertay oo kalsoonideeda siisey Ra’iisal wasaaraha cusub ee dhawaan uu magacaabay madaxweyne Farmaajo, Maxamed Xuseen Rooble, sida ay shaaciyeen xildhibaanada beeshaasi.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Sii-hayaha Wasiirka Dhalinyarrada iyo Isboortiga ayaa goordhoweyd shaacisay in Ra’iisal wasaaraha cusub uu heysto kalsoonida mudanayaasha Beesha Shanaad ugu jira labada Aqal, kadib markii ay maanta kulan bogaadin iyo taageero ah la qaateen Ra’iisal wasaaraha cusub.

Beesha Shanaad ayaa waxa siyaasad ahaan hogaamiya guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Cabdiweli Ibraahim Muudey oo la rumeysan yahay inuu kamid yahay mas’uuliyiintii madaxweyne Farmaajo ku riixay inuu xilkan u magacaabo Ra’iisal wasaare Rooble.

Khadiija ayaa arrinkaasi ku shaacisay qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook, kaasi oo u dhigna sidan:

“Wuu heystaa kalsoonideena beel-ahaan”

Annagoo ah mudanayaasha 2-da aqal ugu jira beesha 5-aad ayaan la kulanay ra’iisul-wasaaraha cusub ee dalka, waxaana u muujinay soo dhaweyn iyo garab-istaaga kalsoonisiintiisa golaha shacabka baarlamaanka JFS.

Gudoomiye Abdiwali Ibrahim Sheikh Muudey Villa Hargeysa ayaan la aadnay PM Rooble waxaana kula soo noqonay isla hogaamiyaheena siyaasadda ee beesha ahna hogaamiyaha aqlabiyadda golaha ahna gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka baarlamaanka JFS Maashaa Allaah tabaarakalaahu”.

Ra’iisal wasaaraha cusub ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu hortago golaha shacabka si loogu qaado codka kalsoonida, xili ay xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanku ay taageero badan u muujiyey.

Rooble ayaa kusoo aadaya xili muddo kooban ay ka hadhsan tahay muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, isla markaan uu dalku u diyaar garoobayo galida doorasho dhowaan laga gaaray heshiis rasmi ah, wallow ay dul hooganayaa dhaliilo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here