Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska oo lagu tilmaamay inuu qarwayo

boris johnson

Ra’iisul wasaaraha Luxembourg ayaa weerar afka ah ku qaaday dhigiisa Ingiriiska, Boris Johnson oo ay ka wada hadleen qorshaha Britain ay uga baxeyso Midowga Yurub.

Labadan mas’uul ayaa kulmay xilli afaafka hore ee dhismaha ay ku kulmayeen ay ka socdeen dibadbax ballaaran oo lagu diidan yahay Boris Johnson. Xavier Bettel ayaa sheegay in dowladda Ingiriiska ay ku guuldareysatay inay miiska soo saarto qorshe cad oo ku aadan ka bixitaanka.

Hasayeeshee Boris Johnson oo isaga baxay shirkii jaraai’d ee lagu waday inay si wadajir u qabtaan isaga iyo Mr Bettel ayaa ka baaqsaday in uu ka qeybgalo sababo la xiriira dad ku hor bannaanbaxayay halka uu shirka ka dhacayay, waxaana uu sheegay in wali ay jirto fursad wanaagsan oo lagu gaari karo heshiis.

Battel ayaa dhankiisa sheegay in Brexit ay qaraw ku noqotay Boris Johnson, oo uu sheegay in uu u taag waayay.

Ra’iisul wasaare Johnson ayaa booqanayay dalka Luxembourg, si uu wadahadalo ula yeesho guddoomiyaha midowga Yurub, Jean-Claude Juncker, u qabilsanaha Yurub ee wadaxaajoodka Brexit, Michel Barnieriyo iyo ra’iisul wasaare Battel.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale Boris ku eedeeyay in uusan miiska soo saarin soo jeedin dhab ah, si loo eego, waxaanaa ay intaa raaciyeen in qorsha walba oo la soo jeeediyo ay tahay in uu la jaanqaadi karo heshiisyadii hore.

Ra’iisul wasaare Battel oo saaxafadda la hadlay isagoo uusan garab taagneyn dhigiisa Ingiriiska ayaa waxaa uu sidoo kale shegay in Boris uu gacanta ku sida mustaqbalka dadka Ingiriiska, wuxuuna soo jeediyay in uu la yimado xal waara, oo looga gudbo mushkiladaha taagan.

Mar uu taagnaa miiska shirka jaraa’id ayaa waxaa kale oo uu Boris uga digay in uusan madax furasho u heysan karin shacabka dalkiisa, isagoo eegaya danaha xisbigiisa talada haya.

Wuxuu intaa raaciyay “in qorshe cad oo miiska saaran aysan hadda jirin, Midowga Yurub-na ay u baahan yihiin wax ka baxsan hadallo afka ah.

“Waxaan u baahanay qorshe meel loogu hagaaga leh, maxaa yeelay wakhtigii waa uu socdaa,” ayuu yiri Battel oo intaa raaciyay in heshiiska ka bixitaanka ee hadda jira uu yahay xalka kaliyga ah.

Ra’iisul wasaare Johnson oo wax laga weydiiyay sababta uusan uga qeyb-gelin shirka jaraa’id ayaa waxaa kale oo uu sheegay in uu ka cabsaday in labada hogaamiye ay bartanka u galaan dadka dibadbaxaya.

Waxaa la fahamsan yahy in codsigiisi ahaa in shirka jaraa’id lagu qabto gudaha dhismaha laga diiday Boris.

Weriyaha BBC-da ee Yurub ayaa kusoo warramay in markii ay yimaadeen xafiiska ra’iisul wasaaraha Luxembourg ay u caddaatay in shirka jaraa’id lagu qaban doonaa bannaanka, taas oo keentay in markii dambe Boris uu isaga baxo shirka jaraa’id ee ay si wadajirka ah u qaban lahaayeen.

Dadka dibadbaxayay ayaa la sheegay inay ka yaraayeen 100, hasayeeshee muusigii ay garaacayeen iyo sameecadihii ay wateen ayaa aad u buuq badnaa, keentayna in waxbadan la maqli waayo.

In Booris uu ka baaqsado shirka jaraa’id ayaa noqotay mid hadal heyn badan dhalisay, waxaana sidoo kale caro laga dareemayay wajiga ra’iisul wasaare Battel.

Tani ma waxay ka dhigan tahay in Midowga Yurub uu ka dhamaaday dulqaadka?

“Marwalba oo ay jirto fursad heshiis, waa danteena in aan kala hadlno Britain, ” sidaas waxaa BBC u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Yurub.

Mr Johnson oo kulankii uu la yeeshay Juncker kadib BBC -da la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in uu aad ugu rajo weyn yahay wadahadalada ay kula jiraan Mudowga Yurub.

“Ma arko sabab aan uga sii mid ahaano Yurub 31 bisha Oktoobar wixii ka dambeeya, ” ayuu yiri Johnson.

Qorshaha Boris ee ah ka bixitaanka mudada cayiman ayaa u muuqda mid aysan la dhacaneyn dhanka kale oo marar badan ku clceliyay in qorshahan cusub ee dowladda Ingiriiska aysan waxba ka soo naasa cadeyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here