Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay qoyska Ikraan Tahliil

maxamed xuseen Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska iyo ehelada Ikraan Tahliil Faarax isla markaana la wadaagay dareenkiisa ku aadan kiiska Ikraan oo dhawaan dowladda sheegtay in Shabaab ay dishay.

Xaley ayay aheyd markii Ra’iisul wasaaraha uu amar ku siiyay hay’adda nabad sugidda in muddo 48 saacadood gudahood ay warbixin kasoo saarto dilka Ikran oo horey uga tirsaneyd NISA.

Wuxuu sheegay in xukuumaddiisa ay ka shaqeyn doonto sidii caddaaladda ay ku heli lahaayeen qoyska Ikran Tahlil.

Al Shabaab waxay dhawaan beenisay inay dileen Ikran balse ay la fajaceen markii ay maqleen warka kasoo baxay dowladda oo ku saabsan in iyaga ay Ikran dileen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here