Ra’iisul wasaaraha UK oo laga helay Coronavirus

boris johnson

Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu ku dhacay cudurka Coronavirus ee sida xooggan ugu faafaya dalkaas iyo guud ahaan caalamka.

Boris Johnson ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “24-kii saac ee ugu dambeeyey, waxaan isku arkay astaamaha Coronavirus, kadibna baaritaan la igu sameeyey, waxaa la iga helay cudurka.”

Johnson ayaa noqonaya mas’uulkii ugu sarreeyey ee caalamka ee cudurkan laga helo, waxaana la sheegay in xaaladdiisa ay tahay mid aan darneyn.

“Hadda, waxaan billaabay inaan si iskey ah isku go’doomiyo, balse waxaan sii wadi doonaa jawaabta dowladda UK ay ka bixineyso cudurkan, aniga oo adeegsanaya shirarka lagu qabto video-ga, si aan ula dagaalanno fayruskan.”

Afhayeen u hadlay xafiiska UK looga arrimiyo ee Downing Street ayaa sheegay in Johnson oo 55 jir ah uu astaamo fudud isku arkay Khamiistii, kadib markii uu ka jawaabay su’aalaha toddobaadlaha ah ee ra’iisul wasaaraha lagu weydiiyo baarlamanka.

Illaa iyo hadda ma cadda tirada shaqaalaha xafiiska Downing Street iyo wasiirada sare ee is-karantiili doono, maadaama qaar badan oo ka mid ah ay xiriir la sameeyeen Johnson maalmihii ama toddobaadyadii dhowaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here