Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

kheyre soo degis

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta waxaa ay gaareen magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa garoonka magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federalka iyo Maamul goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul wasaaraha iyo xubnaha wafdigiisa oo hore dib u dhac ugu yimid sababo la xiriira qaraxii ka dhacay maalmo kahor Ex koontarool Afgoye ee magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in ay dardar geliyaan qorshaha doorashada maamulka Galmudug.

Dowlada federalka ayaa dadaalo xoogan ku bixisay sidii ay u dhici doorashada Galmudug iyadoo hore loo qorsheeyay in bishan sii dhamaanaysa ay dhacdo doorashada ayaa guddiga farsamada doorashada waxa ay qorsheeyeen in horaanta bisha soo socota la qabto doorashada Madaxweynaha Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here