Ra’iisul Wasaare Kheyre oo magacaabay guddi isku dubarida gurmadka qaraxa Muqdisho

rw Kheyre

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi Qaran oo ka shaqeeya isku dubba ridka gurmadka loo sameeyo dadka waxyeellada ka soo gaartay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u tacsiyadeeday ehelada dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarka waxana uu sheegay in guddiga uu magacaabay ay ka shaqeynayaan isku dubba ridka gurmadka loo fidinayo dhaawacyada iyo gargaaridda eheladii ay ka bexeen. Guddigan ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Sidoo kale Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhaawacyada aan gudaha wax looga qaban karin loo raadinayo caawimaad iyo daryeel dalka dibaddiisa ah, waxuuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibad meel kasta oo ay joogaan inay qayb ka qaataan gurmadka socda iyo dagaalka looga soo horjeedo Al-Shabaab.

Qaraxan saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee ka dhaca caasimada sanadkan sii dhamaanaya ee 2019.

Halkan hoose ka aqriso xubnaha guddigan la magacaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here