Raiisul Wasaare Kheyre oo xalay gaaray magaalada Dhuusamareeb

kheyre soo degis

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kharye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug.

Kheyre ayaa waxaa Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka, xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, madaxa fulinta Galmudug, saraakiil ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Galmudug u tagay dhameystirka heshiiska hoggaanka Ahlu-Sunna oo maalin kahor hakad galay kaddib mar Ahlu-Sunna ay dalbatay inuu soo hor fariirsto RW Kheyre.

Ahlu-Sunna ayaa Kheyre uga maarmi weysay nuqullo ka mid ah heshiiska ay la galeyso Xukuumadda waxaana ka mid ah lacag iyo sidoo kale saami siyaasadeed oo Ahlu-Sunna ay dooneyso inay ku yeelato golayaasha maamulka cusub ee laga yagleelayo Galmudug.

Sidoo kale Xasan Cali Kheyre ayaa Afarta bishan oo ay naga xigto labo maalin Dhuusamareeb ka furaya shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Seddaxda hoggaamiye ee Ahlu-Sunna oo kala ah Sheikh Maxamed Shaakir, Macalin Maxamuud iyo Sheikh Cabdirisaaq Al-ashcari iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulamo caawa u bilaabanayaan magaalada Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here