Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Canada

RWKX Mahdi MaxamedG iyo fm canada

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Aswan ee dalka Masar kulan gaar ah kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Canada François-Philippe.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo François-Philippe, ayaa looga hadlay xoojinta xariirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Canada, waxaana kulanka ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Kulanka ayaa qayb ka ahaa kulamo xariir ah oo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo wasiirrada ku wehliya socdaalkiisa ay la yeelanayaan qaar kamid ah mas’uuliyiinta ka qayb gelaysa shirka madasha Aswan ee nabadda iyo horumarka waara ee ka furmay Masar.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa shirka ka qeyb galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here