Ra’iisul Wasaare Rooble oo u digay Hay’adaha garsoorka dalka

0
maxamed xuseen Rooble

Ra’iisal wasaaraha dowladda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray digniin culus taasi oo si gaar ugu socotay Hay’adaha garsoorka dalka.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa uga digay hay’adaha garsoorka inay u cadaalad fali waayan bulshada Soomaaliyeed, xili muddooyinkii dambe cabasho balaadhan laga muujiyey.

Waxa uu sheegay in uu ka war hayo cabasho badan oo bulshada ka muujiyeen garsoorka dalka, taasi oo uu maanta uga digay bahda garsoorka.

“Shacabka Soomaaliyeed aad bey uga cawdaan garsoorayaasha waxaan idinkaga digayaa in shacabku idinka cawdo, waxa aad maanta fashaan ayaad bari heleysaan, barri shacab ayaad noqoneysaan maanta cadaalad fala si aad barri u heshaan,” ayuu yiri ra’iisal wasaare Rooble.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta Garsoorka ay berri noqon doonaan shacab, loogana baahan yahay inay ka digtoonadan waxa ay falayaan inta ay xilka u hayaan bulshada. 

Digniintan ayaa imanaysa xilli dhowr jeer bulshada qaarkood ay cabasho xoogan ka muujiyeen bahda cadaalada, oo ay sheegen inaysan maxkamadaha dalka ka helin cadaalad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here