Ra’iisul Wasaare Rooble oo war soo saaray kadib markii uu la kulmay CC Shakuur

rw rooble ccshakuur

Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa faah faahin ka bixiyey kulan gaar ah oo uu maanta xafiiskiisa kula qaatay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Rooble oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in isaga hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ay wada falan-qeeyeen arrimo badan oo ay ugu horreyso doorashada 2020/2021.

“Waxaan Maanta kulan Qiimo leh aan wada yeelanay Hugaamiyaha Xisbiga Wadajir Abdirahman Abdishakur Warsame oo aan wada Gorfeeynay Arimo badan oo ay ugu horeyso sidii lagu qaban lahaay Doorasho aan waqtigeeda dib uga dhicin,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in markasta uu xafiiskiisa u furan yahay dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka, si looga wada-tashado arrimaha doorashado.

“Xaafiiskeygu waa mid 24 ka saac gacmo furan kusoo dhaweynaayo Saamileyda Siyaasadeed,” ayuu sii raaciyey, Maxamed Xuseen Rooble.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka ayaa maanta qaabilay Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kulankooda diirada ku saaray in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii dalku uga gudbi lahaa waqtiga kala guurka doorashaduna ku qabsoonto sidii loo qorsheeyey.

Si kastaba ha’ahaatee Ra’iisul wasaaraha cusub oo shalay codka kalsoonida ay siiyeen xildhibaanada golaha shacabka ayaa wada dadaallo xoogan iyo kulamo wada-tashiyo ah, maadaama ay u taallo shaqo aad u adag oo ay ugu horreyso doorashada 2020/2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here