Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cade oo London ku geeriyooday

Nuur Cadde

Inaa lilaahi wa inaa ilayhi Raajicuun, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen (Cadde) ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Lodon ee dalka Ingiriiska.

Alle how naxariiste marxuum Nuur Cadde ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay la xanuunsanayey cudurka Coronavirus, isagoo ku jiray isbitaalka Kings College oo ku yaalla magaaladaasi.

Geerida ku timid ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, marxuum Nuur Cadde, ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey, Xaaji Maxamed Nuur Cadde.

Sidoo kale Xaaji Maxamed oo ah wiil uu dhalay marxuumka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in lagu aasi doono magaalada London ee dalka Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here