Rasaas laga maqlayo magaalada Dhirdhaba

dirirdaba

Wararka ka imaanayo magaalada Dhiridhaba ee bariga Itoobiya ayaa sheegaya in hadda magaalada laga maqlayo rasaas xooggan kaddib markii rabshado ay halkaas hareeyeen.

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Dhirdhaba ayaa BBC u sheegay in xiisad ay ka taagan tahay halkaas, rabshadaha waxay u dhexeeyaan qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada.

Waxaana hadda magaalada la geeyay militariga Itoobiya si ay xiisadda u dejiyaan kaddib markii booliska ay ku guuldareysteen inay ka hortaggaan colaadda.

Goobjoogayaal ayaa sidoo kale BBC u sheegay in dhimasho ay jirto balse aan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay rabshadahaas.

Rabshadahan ayaa imaanaya kaddib markii dhawaan ardey kasoo jeeddo gobolka Oromada lagu laayay jaamacadda Waldiya oo ku taal gobolka Amxaarada, waxaana weerarkaas ku dhintay 2 ardey halka 12 kalena ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here