Raysal wasaare Khayre iyo Safarka uu dalka Qadar ugu baxay maanta (Warbixin)

kheyre16042020

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo qayb uu ka yahay Guddoomiyaha Bangiga dhexe ayaa safar shaqo ugu baxay Dalka Qatar.

Sida aanu Xogta ku helnay safarka Ra’iisul Wasaare Khayre ee dalka Qadat  ayaa ah mid shaqo, waxaana sidoo kale la filayaa inuu  la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Qatar iyo Amiirka dalkaas Sheikh Tamim Bin Xamad.

Wararka qaar ayaa sheegaya in safarka Ra’iisul Wasaaraha uu la xiriiro sidii dowladda Qatar ay dib u bilaabi laheyd taageero dhaqaale oo ay siin jirtay dowladda oo tan iyo markii la magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Qatar hakad ku yimid.

Dawladda Qatar ayaa si weyn u taageerta dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyadoo safari kala duwan ay Mas’uuliyiinta dowladda sanadihii u dambeeyay ku tageen dalkaasi Qadar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here